shaqada noocaan ah

DWQA QuestionsCategory: Questionsshaqada noocaan ah
mohamed maxamoud asked 5 years ago

ASALAMA CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUKU:: Sheekh Bacda Salaan waxaan rabaa Inaan  su aal kuwaydiiyo su aashayda waxay tahay.  Sheekh waxaan Joogaaa wadanka Germany. Waxaa ilasoo xiriirtay shirkad maraykan laga leeyahay kana shaqaysa 25 wadan iyo 4 qaaradood waxayna kashaqaysaaa Korontada guryaha iyo Gaaska iyo sidoo kale telefonada kuwa Guryaha iyo mobilkaba, Habada iyaga malaha warshada samayya gaaska   korontada ama Mobilada waxay kaqaataan shirlada hawshaan iyagu kashaqayya waxayna usamayyaaan suuq gayn wax layiraahdo.  Tusaale ahaan waxay kuugu imaanayaan guriga waxay kuleeyihiin korontada iyo Gaska kugu jira qiima kayar ayaan kuugu gelinaynaa waxbadan ayaan kaadhimaynaa markaan kuu gelinaynona waxaan kusiinaynaaa 75 Yuro. waxayna shaqaalaystaan dad fara badan dadkaas oo kushaqaynaaaya Sidan. waxaad samaynaysaa suuq gayn dadka ayaad usheegaysaa inay kajabantahay Krontada iyo gaaska ugu jira markay gashadaana lacagtaas 75 ka ah lsiinayo Markaad shaqadaas gasho waxaad leedahay Guri kasta oo aad koronto geliso lacag dhan 75 yuuro waxad kaloo leedaha 10% bilkasta wuxuu qofkaasi isticmaalo, waxaad kaloo samaynaysaa inaad dadbadan adigana sii shaqaalayso si suuqgaynta ubadato waxkasta oo aadkeentona waxaad kuleedahay 10% ama 20%.. Sheekh Marka su ashayda waxay tahay maka shaqayn karaa shirkadaas shariga ismaalka markii lafiiriyo, dabcan waad garanaysaa waayo waxaad joogtaa Yurub.. Tusaale ahaan Adiga sheekh yusuf ah ayaan kula soo hadlayaa waxaan kuleeyahay koronta jaban iyo tellfon kajaban ama kariiqsan ayaan kurigagaga kugelinayaa runtii wayna karaqiisan tahay sida xaqiiqdaaa shirakadaha kale waxbadan… Mahadsanid sheekh.. Iga raali ahaw qoraalka waan badiyay.. wasalama calykum

Sheikh Yusuf Staff replied 5 years ago

Jawaab:wac: Noocaan Shaqada Ah waxaa looyaqaan shareecada “Dalaal” waana qofka dadka tusiya usharaxa badeecada ay ubaahan yihiin, ama qofka badeecada leh tusiya dadka ubaahan. Sidaa darteed waxaa banaantahay shaqadaan.. waxaana loo baahanyahay Qofka dalaalka noqonaya

in uu aamin, runsheeg yahay, Hantilaha iyo Gataha midna uusan khiyaanayn.